DR. Dhakhtar H QALAN HOOYO UURLIYO ILMAHEEDA Adoo Macaash Doona. DIIDA DOOXASHA HANTIDOONKA AH

Salaamad iyo samo la kulan ayaan  rajaynayaa guga 2021, ma ihi qoraa, mana ihi siyaasi, qalinkana uma qaadan cid gaara inaan ku aflagaadeeyo, balse waxjira iyo  dhacdooyin xanuun badan oo aan la dhaadaneyn, guri kastana galay  oo aan laga hadal  nolosheenana  asaas u ah baa qoraalka iga keenay , in farta lagu godaana ay  tahay waajib ummadeed oo ina saaran, waxaynu nahay  Islaam,  waxaynu nahay dad, waxanu lee nahayn climo, aqoon yahay odayaal, dakhattir wanaagsan iyo dhakhaatiir xun oo qayral masuula,  waxaynu cod dheer ku nidhi Dr.   NOLOSHA ILMA UURKA KU JIRA IYO HOOYADU MACNO AYAY LEE YHIIN.  (MUM & BABY LIVES IS MATTER). Waa midhihii saracii iyo tarankii ummada maaha waa wax lacag iyo maal ka sal balaadhan. Hooyadu waxay xaq u leedahay inay ilmaheeda  si caadi ah u dhasho iyadoon aan la qalan, Hooyada iyo ilmaheedu waxay xaq u lee yihiin inaan noloshooda  hanti loo sadqayn. Waxa caadi noqotay in 70% haweenka ama hooyada foolata ay qaliiin degdega lagu sameeyo oo ay Hooyada iyo ilmuhu israacaan, kala hadhaan ama badbaadaan  Deegaanada Soomalida/Somaliland degto oo dhan marka laga reebo Jibuuti iyo Jijiga oo cusbitaaladoodu yihiin kuwo si caadi ah bulshada ugu  adeega.
 Balse Goobaha kale waxaa cusbitaalada  loo samaystay in laga sameeyo adeega  lacag waa caadi, balse nidaamkani qaybo ka mida waa  dhibaato cusub oo aan jirin oo qof bukaanka ah lagu abuurayo  si loogu hodmo sifo aan ku haboonayn, aqoon iyo dabarro iyo sharciyo addag oo lagula xisaabtamo cusbitaalada iyo dhakhaatiirta noocas ahina ma jirto, dawlad iyo shacab haday boqolaal dilaan, ciqaabta aad maqli kartaa waa dhakhtar baa la masafuriyey ajaaniba,  kuwa ugu darani waa kuwa soomalida ah sharcigu maba qabto.  Haddaba iyadoo caafimaadka guud khatartaas ku jiro waxaan hooyada u xushary ayaa ah inay tahay  halista ugu weyn ee jirta.  hadaynu sidan ku socono aynu inagu is dabar jarayno. Bal eeg  si cusbitaalku u  bixiyo kharashiyaadka, nalka, kirada, daawada, mushaharka dhakhatiirta,  kalkaliyaaasha caafimaad iyo shaqaalaha, shidaalka, gaadiidka,  iyo howlaha kale  faa’iidona loo helo sida ugu fudud ee loo bixin karaa waa in la hello HOOYO UUR LEH oo la qalo. (Pregnant operation delivery 700$) Waa xaqiiqo jirta  in KHARASHKA CUSBITAALKU ka soo baxo 60%  hooyooyinka uurka leh ee  lagu  qallo.  Waxase jirta  qiyaasah  in ka yar 7% keliya ay u baahan yihiin qaliin.   Halka 53% soo hadhay lagu sameeyo qaliin aan saxsaneyn oo laga maarmi karyey, balse la door biday in qaliinka xadigaas leeg  kharash cusbitaalka in loog sameeyo .
  Tani waa mid  xanuun badan oo daamiirka iyo maanka ka weyn, waa bahalnimo iyo dembi kan ugu weyn oo  bulshada laga galay taasoo dowlad iyo shacaba aynu daawade sheekeye ka nahay, Sheekha, Maayaka, Odayga. Waa gacan ku dhiigle shaadh cad,  Kolka horeba  khiyaanadu waxay ka bilaabaan in qofka ehelkiisa laga saxeexo in wixii yimaada aanu masuul ka ahayn si aan loola xisaab tamin. Alla baddanaa oo baddanaa inta gacantooda iyo khalad qaliin oo ay sameeyeen ku maqan oo u god  gashay.  Waa xeelado xunxun caadi ka noqday qaar kamida  cusbitaaaladeena  ganacsiga. Hadda halistaas qarka u saaran  inay  ku biiraan  Cisbitaalada Dowlada oo khatartasu dul hoganaysaa.  Qormadani maaha malle awaal, mana aha sheeko samays waxay ka soo maaxdey, waa xaqiiqooyin iyo dhacdooyin muddo dheer isasoo tarayey  meelo gobolo iyo goobo kal duwan, waqtiyo kala gedisan, haddase waa arrin meel kasta taal. waxaan lee yahay ehel iyo qaraabo magaalo ku nool ah iyo qaar  miyiga iyo tuulooyinka ku dhaqan, sida badan ma maqlo dadka baadiyaha ku nool qof dumara oo limihii lagu qalay ama la jeexay. Balse magaalada 4tii  Haweena ee foosha 3 baa birtu saaran tahay oo qalma. Sidaas darteed waxaan bulshada usoo jeedinayaa in arrintaas af, aqoon tallo, sharci, diin, dowlad, wax laga qabto laga dhiidhiyo sidii loo joojin lahaa in dadka sida hilibka laga ganacsado.
Wa billaahi tawfiiq
Shaib Mohamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker