Wakiilka Somaliland Ee Dalka UK Waxay Muujisay Inay Socod Barad Ku Tahay Siyaasada Dibloomasiyadda Caalamku Ku Xiidiidho Markaad Eegto Hadalkii Ay Ku Burisay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Ahmed Mohamed Warfa /London UK.

Falanqeeya Siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland ……………………………

Wakiilka Somaliland Ee Dalka UK Waxay Muujisay Inay Socod Barad Ku Tahay Siyaasada Dibloomasiyadda Caalamku Ku Xiidiidho Markaad Eegto Hadalkii Ay Ku Burisay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 london (….)wakiilka somaliland u fadhiya dalka uk ayaa  sheegtay mudo  ka yar 5   sacadood gudahood hadalado is burubunaya oo la xiidhiidha masuulka cusub ee dalka uk u soo magaacabay  somaliland waxayna beenisay la kulankii wasiirka warfaafinta somaliland iyadoo waxab hubsan ayey qoraal soo dhigtay barteeda baraha bulshadda ku kulanto ee facbook ,markiiba dadka la soo socoda xiidhiidhka dibloomasiyadda dalalka caalamka ayaa  u arko inanay aqoon u lahayn siyaasadda xidhiidhka caalamiga ah tani hadi ay sii socoto waxay dhabar jab ku tahay hananka dawladnimo waayo qof diboomasiga ah waxa looga baahan yahay inuu  ilaaliyo xasaanad uu huwan yahay ee uu xan baaray qarankiisa ..

waxay kulan deg deg iskug yeedhay jaalliyadda somaliland ee ku nool magaalada london si ay uga qaybgalaan soo dhaweyn loo samayey wakiilka u qaabilsanahay uk  u soo magacowday somaliland sii ay su’aalo iyo soo dhaweyn loogu qaabilo taani waxay dhawac ku tahay hanaanka dawladdnimo marka laga shidaalka qaato hadlak wakiilka wuxuu uu muuqaada mid ay keentay waayo aragnimo la’aan oo aan aqoon badan u lahayn haykalka dawladdnimad markay waxaba kama jiraan ka dhigtay kulankii wasiirka  warfaafinta somaliland

dadka siyaasada falanqeeya ayaa u arko hadalka wakiilka somaliland ee dalka uk   ayaan mahamoud cashuur  inuu  dhawac ku yahay dibiloomasiyadeeda mar laga arko wax ka yar 5 saac gudahood hadal iska hor imanaya  waxan tusaale loo soo qaadan kara qoraalada ay ku baahisay barteeda fac book waxay u muuqata inay ku fashilan tahay siyaasadii loogu igmaday hadii aan degdeg looga qaban xafiiska somaliland uk wuxuu ku dhacayaa godmadow waxay xumaynaysaa xiidhiidhka labadda ee iska kaashada amaanka dhaqaalah arrimaha bulshadda iyo la dagaalkan argaxisadda,budcadbadeeda ka jirta biyaha dalka somaliya.

wakiilku markii ay beenisay inaan jirin masuulkani, waxay saacad gudahood kulan la qaatey masuulkii cusbaa ee loo soo diray somaliland taani waxay dhawac ku tahay siyaasada arrimah dibedda ee xukuumadda madaxweyne muuse bixii cabdi ,marka loo eego ayaan mohamoud canshuur aqoon uma leh siyaasadda arrimaha dibloomasiyadda waxa markhaati kugu filan jawaabta deg deg ah ee ay bixisay iyo kulan ay la qaatey masuulka.

wakiilkii u horeyey ee dhabarka iska jabisa mar loog eego hanaanka ay ula macaamishay dawladda  uk hadii aan dib u habayn lagu samayn safiiradda wasaaaradda arrimaha dibedda somaliland u magacowdo dalalka caalamka  waxay magac dil iyo sharaf daro u keenayaan dalka somaliland  tusaale waxa kug filan wakiilka somaliland ee dalka uk ayaan mohamoud canshuur.

hadii ay sidan ku sii socoto waxa dhawacmaya xiidhiidhka dalalka somaliland uk waxa la filayaa jawaabta madaxweyne muuse bixii cabdi ka qaato go’aanka nuucan ah ee soo jiiday dhawac dibloomasiyadeeda .

han soo qaadano hadalka la kulan  wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka xukuumadda oo la kulmay masuulka cusub ee ay dalka uk u soo magacowday somaliland oo fadhigisu  yahay hargeisa. siday u qoreen warbaahinta gudaha somaliland qarkood.

Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Masluul Cusub Oo Dawladda UK U Soo Magacowday.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md Abdirahman Abdillahi Farah (Guribrawaqo) Oo Booqasho ku jooga dalka Ingriska Ayaa kulamo Si weyn looso agaasimey layeeshey Xubno Kamida Dawalada Uk Sidoo kale Ergeyga Cusub Ee Dalka Uk U qaabilsan S-Land Mr Stuart Brown.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in waddanka Britain uu Somaliland u soo magacaabay Ergay gaar ah kaas oo fadhigiisu noqon doono magaalada Addis-Ababa.

waxa uu sheegay in uu hoos iman doono wasaarada arrimaha Dibadda UK.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkan Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriisku socdaal ku yimi magaalada Hargeysa.

Qoraalka Kulan Degdeg Ah Iskug Yeedhay Jaalliyadda Somaliland Ee UK Halka Hoose Akhriso.

“Saaxiibayaal, Mudane, waxaan rajeynayaa inaad maanta noogu soo biiri karto wakiilka cusub, Stuart Brown, oo ka ka horeysay  Rosie Tapper oo ah wakiilka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Hargeysa / Addis. Waxay muhiim u tahay isagu  inuu la kulmo jaalliyadda  reer ka hor inta uusan ka tegin Hargeisa “ wakiilka Somaliland UK,

”Waxay noqon doontaa fursad weyn oo aad ku weydiisan  su’aalaha. Kulankan ayaa maanta dhici doona, Khamiis, 10ka January  6-da galabnimo – 7:30 Xafiiska Somaliland UK., 234-236 Whitechapel Road. Fadlan nala soo socodsii haddii aad awoodid inaad tagto.”

Mahadsanidin,

Ayan Maxamuud

Wakiilka Somaliland ee UK

Goormay sax tahay ama khaldan tahay wakiilka Somaliland ee dalka UK Halka Hoose Ka Akhirso qoraalka mahadnaqa.

Hadalka wakiika Somaliland ee Dalka UK  Ayaan Mahamoud Canshuur “Waad Ku Mahadsantahay Cid Kasta Oo Ka soo  Qayb Gashay   shirkii Jaalliyadda Somaliland Ee Si Ay U Soo Dhaweyso masuulka cusub ee UK u soo magacowday Somaliland  & Ujeedooyinkooda  Oo aad alLa Wadaagto Madaxa Cusub Ee Xafiiska Ingiriiska Ee Somaliland, Stuwart Brown, Oo Bedelaya Rosie Tapper. Waxaan Jeclaan Lahaa In Aan Muujiyo Mahadnaqa Rosie Tapper Shaqo Adag  muhiim ah ka soo qabtey mudadii ay joogtay ee labad sano ee la soo dhaafay Hargeisa”

Halakan hoose ka eeg sawirka La kulanka jaaliyadda  iyo muuqaalka wasiirka warfaafinta Somaliland oo ah afhayeenka xukuumadda madaxweyne muse biixi cabdi.

Ahmed Mohamed Warfa /London UK.

Falanqeeya Siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker