Madaxweyne iyo xildhibaano oo guryahoodii dab la qabadsiiyay

Kooxo careysan oo ku sugan dalka Sri Lanka ayaa gubay dhowr guri oo ay lahaayeen xisbiga talada haya ee Rajapaksa iyo xildhibaano, kadib markii ay weerareen taageerayaasha dowladda.

Rabshadaha ayaa qabsaday maalin un ka dib markii Ra’iisel wasaare Mahinda Rajapaksa uu xilka ka dagay iyada oo ay jiraan mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeda sida ay dowladdiisa u maaraysay dhibaatada dhaqaale.

Balse way ku guul darreysatay inay dejiso dibadbaxayaasha, kuwaasoo isku dayay inay xoog ku galaan hoyga rasmiga ah ee uu degan yahay isagoo weli gudaha ku jira.

Todoba qof ayaa ku dhintay in ka badan 190 kalena waa ay ku dhaawacmeen tan iyo Isniintii.

Bandowgii saarnaa ayaa la kordhiyay ilaa subaxda Arbacada iyadoo mas’uuliyiintu ay doonayaan inay damiyaan rabshadaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker