” Waa In Aan lagu Xad-gubin meelaha wadooyinka ah ee dadka ka dhexeeya …”

Guddoomiyaha Guddida Wanaagfarista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, ayaa shacabka Somaliland ku baraarujiyay in aanay ku soo xad-gubin meelaha wadooyinka ah ee dadka ka dhexeeya.

Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, guddoomiyaha guddida wanaagfarista iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac ayaa tilmaamay in diinta islaamku aad uga hadashay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo goobaha wadooyinka ee ka dhexeeya dadka, waxaanu intaas ku daray in wadooyinku yihiin goobo dan guud ah oo dadku wada leeyihiin.

Guddoomiyaha Guddida Wanaagfarista Iyo Xumaan Reebista Somaliland waxa uu xusay dembiga ka dhalanaaya haddii dadku ay ilaalin waayaan ama xidhaan meelaha wadooyinka ah, isla markaana ay u adeegsadaan dhul ay degaan ama si kale u manaafacaad sadaan.

Ugu dambayna Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, guddoomiyaha guddida wanaagfarista Iyo Xumaan Reebista Somaliland wuxuu guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyay inay ilaaliyaan xuquuqda jaarku isku leeyihiin, taas oo diinta islaamku dhiiri gelisay ilaalinteeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker