Dawlada Somaliya Oo Gaadiid Dagaal kala Wareegtay Ingiriiska.(Sawiro)

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa gaadiid fara badan oo nooca dagaalka ah kala wareegtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha sida weyn u taageero Soomaaliya.

 

Munaasabadda lagula wareegay baabuurtan oo ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa xubno ka socda Ingiriiska, taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale.

 

Gaadiidkan oo ah kuwa casri ah ayaa waxaa loogu talagalay inay isticmaalaan ciidamada Xoogga ee dagaalka kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey dowladda UK, wuxuuna tilmaamay inay si deg-deg ah uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

 

 

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda UK oo nagu wareejisay gaadiid nooca dagaalka ah, ayna ka soo jawaabtay codsigeena oo ah in ay nagala qaybqaataan dib u dhiska Ciimadameena Qalabka sida.” ayuu yidhi Wasiir Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe taageero kala duwan ka heleysay saaxobada Soomaaliya, waxaana dhowaan gaadiid gaashaaman oo casri ah ay kala wareegtay dowladda Turkiga oo iyana ka mid ah dalalka sida weyn u taageero Somalia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker