Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Oo Maanta Muqdisho ku dhexmaray Ciidanka Soomaaliya

Muqdisho(OWN) ─ Ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyooday, saddex kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad maanta Muqdisho ku dhex-maray ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Dagaalkan oo ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa u dhexeeyay ciidammo ka tirsan kuwa xasilinta iyo ciidammo millateri ah, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa isku dhaca ciidamadan.

 

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaan uu ahaa mid culus oo ay ciidamadu isku adeegsanayeen hubka noocyadisa kala duwan, iyadoo intii uu dagalaku socday uu xaryinnaa isku socodka gadiidka ee isgoyskaas.

 

Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa fariisin ciidan ku leh ciidamada xasilinta caasimadda, iyadoo ciidamada kale ee ay isku dhaceen u soo dhex-galay muran aan weli la ogeyn wuxuu ku saabsanaa.

 

“Dagaalku wuxuu socday muddo kooban, hub kala duwan ayayna ciidamadu isku adeegsadeen, waxaanan arkay dhimashada laba askari oo ka tirsanaa ciidamadii dagaallamay iyo saddex kale oo dhaawac ah,” ayuu yidhi goobjooge la hadlya warbaahinta.

 

Hay’adaha amniga dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin iska-horimaadka maanta Muqdisho ku dhexmarya ciidamada kawada tirsan Dowladda Somalia, inkastoo iska-horimaadyo noocacn oo kale ah ay Muqdisho dhawr jeer ugu dhexmareen ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

 

Xaaladda Isgoyska Towfiiq ee uu dagaalku ka dhacay ayaa haatan daggan, iyadoo laga dareemayo weli dhiillo colaadeed oo u dhexeysa ciidamadii uu iska-horimaadku dhexmaray oo qaarkood ay weli ku sugna yihiin halkaas.

 

Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxay dhibane u noqotay iska-horimaadyada dhexmara ciidamada dowladda iyo weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho, kuwaasoo khasaare badan ay kasoo gaarto shacabka.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker