XALAYBAA MANAAM LAYGU TUSAY: M/WEYNE MUUSE BIIXI IYO LABDA GUDOOMIYE MUCAARID OO ISKU HAYSTA COD-BIXIYAHA AAN NAFTA LAHAYN!!!

Asc calaykum shacbiga Somaliland-noow gude iyo dibadba. Intaas ka dib, ilayn waa aduunyoo intaynu noolnay waynu fikiraynaa, xisaabtamaynaa ama talamaynaaye waxaan la yaabay: COD-BIXIYAHA AAN NAFTA LAHAYN/NAFIBA AANAY KU JIRIN!

Waxa hubaal ah in qof kastaaba la yaabo musharixiintan tirada badan ee beelaha waawayn kasoo jeeda ee kulmiye si fudud oo hawl yar u diidayo. Waliba musharaxa aan la filayn ee umadu aad ka u hadal hayso saacadii tagay waa saaxiibkaygii qaaliga ahaa eenu UDUB wada ahayn, waa Gudoomiyihii 1-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland: Mr. A/Yaasiin Sh Cali ayaanle.
Hadaba waxaan leeyahay xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada mucaaridka UCID iyo WADANI farqiga u dhexeeya waxa fasiray manaamkaygan: UCID iyo WADANI way soo dhawaynayaan beelaha Somaliland oo dhan, si siman, si ay u helaan taageero! Labdan Xisbi mucaarid waxay ku xisaabtamayaan in COD-BIXIYEYAAL nool (Oo dee Bini’aadmiyi) inay u codeeyaan musharixiintooda sidii la arki jiray.
Halka KULMIYE-na  aanu beel iyo cidkale toona u joojinayn, sababtoo ah musharixiintiisa waxa u codaynaya AALAD la yidhaa: SERVER! Markaa farsamadani waa ta keentay inaynu aragno  qaar kaligooda, oo Kulmiye ka dhexleh: WAAN SHARAXANAYOO, aduunyadii heerbay gaadhayoo, waxa ii codaynaya server-ka! Sidii SERVER-kii codka ka shubay Hillary Clinton ee ugu shubay M/weyne Donald Trump !!! Kulmiye taasuu damacsan yahay inuu ku shaqaytso Mr.Server illaa Doorashada Madaxtooyada ee soo socota!!!!
Markaa manaamkaasaa i tusay iyadoo ayguushii Ciro iyo Faysal gacanta ku hayaan xildhibaanadii
bini’aadamku u codeeyay, Muuse Biixina uu leeyay sawkan Server-ku sheegaya inaan 70% ku guulaystay Deegaan iyo Baarlamaanba. Markay labadii Gudoomiye Mucaarid is eegeen, ee ay is yidhaaheen bal wax dhaha, ayuu Madaweyne Muuse hadalkiisii sii watayoo wuxuu yidhi….bal u kaadiya nimanyahaw: wali Server-ku Kulmiyuu u codaynayaaye!

 

Assalaamu Calaykum

 

ILLaahay hayna waafajiyo sida wanaagsan (Aamiin)
Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal!

 

 

SANWAA CUMAR YARE

Freelance Political Commentator

Email Address: politicianbynature@outlook.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker