Boodhari Mills oo bilowday Jarista Dallagga Qamandi ay soo saareen Beeralayda Somaliland

Hargeysa (OWN)- Shirkadda Boodharimills ayaa bilowday goynta Dalagga Beeraha Qamadiga oo shirkaddu maalgelisay, kuwaas oo laga filayo inay qayb ka noqdaan wax-soo-saarka Wershadda Daqiiqda oo BoodhariMills ka hirgelisay deegaanka Abaarso ee Galbeedka Caasimadda Hargeysa.

 

Dalagga Qamadiga ee goyntiisa la bilaabay ayaa lagu keydin doonaa Xarumaha Keydka Raashinka ee Shirkadda, iyadoo laga samayn doono Daqiiq kaddib marka ay Shaqada bilowdo Wershadda Daqiiqda iyo Calafka Xoolaha ee Boodhari Mills oo dhismaheedu gebo-gabo ku dhow yahay, sida uu sheegay Maareeyaha Shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo dhowaan u warramay HCTV.

Beeraha laga beeraha Dalagga Qamaddiga ayaa intooda badani ku yaallaan gobollada Daad-madheedh, Sanaag, Awdal iyo Gabiley, iyadoo shirkaddu dadka beeralayda ka caawisay siidhka Qamaddiga, Farsamada iyo Qalabka Beeraha, waxaana heshiiska ka mid ah in shirkaddu dadka Beeralayda ka iibsanayso ama kala wareegayso dalagga Qamaddiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker