Ganacsatada Qaadka Kenya Oo Si Weyn Ugu Khasaaray Lacag Badan Markii Diyaarad siday Qaad Laga Celiyey Hargeysa

Ganacsatada Qaadka  ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday Qaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay.

 

Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso.

 

Falkan ayay ganacsatada sheegeen in ay ka caroodeen, wuxuuna intaa raaciyay in lacag dhan 80 kun oo doollar ay khasaarayan haddii aanan jaadka lagu geynin xilliga loogu tala-galay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker