BARNAAMIJKA MIIDDA MAAHMAAHDA Qaybta 3aad Ee Maanta Iyo Keyse-iftiin
Barnaamijkan MIIDDA MAAHMAAHDA waxaad kala socotaan maaln kasta oo jime ah Oodweynenews , waxaana u mahadnaqaynaa barnaamijkii hore dadkii ka soo qaybqaatay ee aragtidooda soo gudbiyay way mahadsan yihiin.
QAYBTA 3: MIIDDA MAAHMAAHDA:
Qore: Keyse-iftiin
Hal-xidhaalihii qaybtii 2aad waxa si wacan uga soo jawaabay Maxamed Cumar oo ku micneeyay erayga “bar” sidan:
1 Bar = wax bar
2 Bar = bar jidhka ku taal.
3. Bar = nus
4. Bar = goob / meel.
Weliba micne 5aadna way leedahay oo a: bar= xoolo. Bar ma haysto. Bar xoolaad ma leh.
MAAHMAAHDA MAANTA
1. Aamusnaani waa ogolaansho badhkii.
2. Aamusnaanta qaarkeed waa odhaah.
3. Aan bukee haddaan kaar la’ay.
4. Aan dhintee away dhul dhawi.
HAl-XIDHAALAHA MAANTA
Waxaad sheegtaa inta micne ee erayga “SUR” uu leeyahay?
Qore: Keyse-iftiin
Maale22000@gmail.com