Gaashaanle Bedel Xasan Qayl, AHN Geessi ka Baxay Qaranka Somaliland

Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska  Somaliland Oo Ku Dhintay Shil Baabuur .

Alle ha u Naxariistee laba qof ayaa ku dhintay laba kalena, way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo mid ahaa gadiidka raaxada halka kalena yahay Booyada kaasi oo ka dhacay duleedka deegaanka Isha Gobka ee koonfurta
Magaalada Hargeysa .

Laba marxuum ee ku dhintay shilka ayaa ahaa walaalo , waxaanu mid ahaa Gaashaanle Bedel Xasan Qayl oo ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland , horre- na uga mid ahaa halgamayaashii Ururkii SNM , gaar ahaan saraakiishii Guutaddii caanka ahayd ee Koodbuur.

Ciidanka Dab-demiska ayaa gaadhay goobta shilku ka dhacay, waxaanay ciidanku kala saareen gaadiidkaas oo si weyn iskugu dhacay, iyadoo ciidanku adeegsanayo gaadiidka wiishka.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee Somaliland, Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay In ka badan 200 Qof ayaa Somaliland ugu dhintay Shilalka Gadiidka Sannadkii hore halka ay 5000 oo qof ku dhaawacmeen Sida la ogyahay waxa maalinba ta xigta kor u sii badanaya shilalka gaadiidka ee guud ahaan Somaliland oo geysta khasaare naf iyo maalba iskugu jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker