Hal qoys oo ka kooban 11 qof oo dhammaantood ‘is daldalay’

Qoys 11 qof ka kooban oo ku noolaa dalka Hindiya ayaa meydkooda la heley, iyaga oo lagu bakhtiiyay xadhig, lagana soo laadlaadiyay dusha sare ee gurigooda oo ku yaala magaalada Delhi.

Dadka xaafadda Burari ayaa la argagaxsan sida ay wax u dhaceen

Booliiska ayaa heley warqad dardaaran ah , taas oo muujinaysa in ay isu dileen caado dhaqameed ay aaminsanyihiin oo ‘naf hurnimo ah’, taas oo dad badan ka yaabisay.

Qoyskan waxaa lagu magacaabaa reer Bhatia, dadka dhintayna waxaa ka mid ah nin 75 jir ah oo lagu magacaabo Narayan Devi, gabadh uu dhalay, labo wiil oo uu dhalay iyo xaasaskooda, iyo shan caruura oo uu awoow u yahay.

Waxa ay xaafada ku lahaayeen dukaan alaabaha tafaariiqda lagu iibiyo muddo 20 sano ah.

Ma jirin saansaan in guriga loo dhacay

Dadka dariska la ah waxa ay sheegeen in qoyska ay ahaayeen dad firfircoon oo ka qeybqaata hawlaha bulshada wada degen, mana aysan jirin qof ay dhibaato kala dhaxaysay.

Dad iyo saxaafad kusoo xoomay goobtii ay wax ka dhaceen

Waraaqaha la heley waxaa ka mid ah kuwa lagu qorey sidii ay isu dili lahaayeen qoyskan, waxaana aad u hadal haya warbaahinta dalkaas.

XIGASHO: BBC SOMALI NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker