Prof Dixood Oo si Heer Qaran ah Loogu Aasay Borama Iyo Taariikh Nololeedkiisii.(Akhriso)

Inaa li Laahi wa’inaa ilayhi raajicuun waxa maanta xabaalaha Sogsoglay ee galbeedka Borama lagu aasay Marxuum Prof Aadan Diiriye Dixood oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday hoygii uu ka deganaa magalada Borama.

 

Marxuumka ayaa si heer qaran ah loo aasay, waxana Aas kiisa  ku kulmay dad aad u tiro badan oo qaybaha kala duwan ee Bulshada ka socday, waxana tacsi tiiraanyo leh diray salaadiin, odayaal dhalinyaro, aqoonyahano, iyo dadwayne kale waxayna dhamaantood Eebe uga baryeen inuu marxuunka naxariistii jano ka Waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay gaar ahaana qoyska reer Diiriye Dixood-na uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.

 

Allaha u naxariistee Marka dib loo milicsado taariikh nololeedkii Marxuum Prof Aadan Diiriye Dixood, ayaa waxa la xusi karaa inuu ahaa Macalin wayn, qoraa qalin maal ah, siyaasi rugcadaa ah, oday-dhaqameed xeer beegti ah, iyo indheer-garad meel-fog wax ka saadaaliya.

 

 

AHUN Prof. Aadan Diiriye Dixood ayaa waxa uu ku dhashay Sanadkii 1952-kii Magaalda Lughaya ee xarunta u ah degmada Lughaya, tacliintii aasaasaga ahayd ee Qur’aanka waxa uu ku soo qaatay Lughaya, iyo degaanada ku xeeran halkaas oo uu ku soo kacaamay.

Waxbarashadii Dugsiga Hoose waxa uu ka bilaabay dugsigii Hoose ee Lughaya waqti ku siman Sanadkii 1963kii, waxana Marxuunka oo ku wanaagsanaa tacliinta aawadeed u suura gashay inuu ka mid noqdo ardaydii dugsigii dhexe ee Camuud ee hayga ahaa waxbarashada ka sii wadatay, dugsigaas oo ku soo biiray sanadkii 1967-dii.

 

 

Sanadkii 1971-kii ayuu AHUN Prof. Dixood u gudbay dugsiga Sare isaga oo ka sii watay hilinkaas waxbarashad dugsiga sare isla dugsigii sare ee Camuud, halkaas oo uu ka qalinjabiyay sanadkii 1975-kii.

Isla sanadkaas 1975kii ayuu AHUN Prof Dixood waxa uu waxbarasho Jaamacadeed ka bilaabay kuliyadii waxbarashada ee Lafoole ee Jaamacadii Umada Soomaaliyeed, halkaas oo uu tacliintiisa ka sii watay, kuna diyaariyay shacaadada heerka 1aad ee Waxbarashada isaga oo ku takhasusay culuunta Physics-ka iyo Xisaabta, waxana xusid mudan intii uu Prof. Dixood ku jiray Lafoole inay waayo aduun iyo waayo aragnimo shaqsiyeed-a u kordheen.

 

Ma ahan intan oo kaliya balse AHUN Prof Aadan Diiriye Dixood ayaa shaqadiisii ugu horaysay ka bilaabay sanadkii 1979 Dugsigii sare ee Sheekh, isagoo noqday barre dhiga Fiisigiska iyo Xisaabta, waxa uuna dugsiga Sheekh 3 sano kadib uga soo wareegay Dugsigii sare Camuud halkaasoo uu macalin ka ahaa ilaa iyo 1985 kii intaasi kadib-na waxa Marxuumku macalin ka noqday dugsigii sare ee Sheekh Cali Jowhar ilaa waqtigii ay dagaalada sokeeye ka bilowdeen gobolada Waqooyi,waqtigaasi oo uu u soo wareegay magalada Muqdisho.

 

 

 

AHUN Prof Dixood ayaa maamulkii Somaliland ee Madaxwayne Cigaal ka noqday Agaasimaha maamulka Lacagta ee wasaarada Kalluumaysiga, xilkaas oo uu mudo 5 sano ah hayay, intaasi kadib waxa uu Prof Dixood loo xilsaaray dib u habayntii manhajkii waxbasho ee Somaliland ee Burburay gaargaan dhinaca a Fiisigiska iyo Xisaabta.

 

Dhinaca Siyaasada AHUN Prof. Dixood ayaa waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii isbedel doonka ahaa ee mucaarada Adag kala hor yimid xukuumadii Madaxwayne Rayaale iyo xisbigii Udub, waxana si gaar ah loogu xasuustaa maqaalo taxane iyo teel-teelba ah oo uu wargaysyada Somaliland ku daabici jiray, maqaaldaas oo ahaa kuwo xambaarsan mucaaridad-wax-dhisaysa oo uu ku soo bandhigi jiray dhaliilaha maamul, dib-u-dhaca bulsho, iyo maamul-xumadii xukuumadii Udub, waxna uu si joogto ah u iftiimin jiray baahida loo qabo isbedel dalka kadhaca, kaas uu gunaanadkiisu noqday in sanadkii 2010kii uu isbadalkii uu AHUN Prof. Dixood qaybta ka ahaa uu rumoobo taladii dalkana ay doorasho xor iyo xalaal ah kula wareegaan xisbigii Kulmiye.

 

 

Sanadkii 2011kii ayaa Prof. Dixood waxa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyihii xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, waxana xusid mudan in uu ahaa Prof. Dixood gudoomiyihii xisbigaas ee doorashooyinkii degaanka ee sandkii 2012kii, kuwaas oo uu guul aan hore loo arkin xibigiisu ka soo hooyay, doorashooyinkaas oo ku suntanaa kuwii ugu horeeyay ee noocooga ah ee dhalinyaradu si toos ah uga qayb qaadato, nasiibdaro-se AHUN Prof. Dixood xilkaas kuma waarin ee markale ayay kala huleeleen xisbigii kulmiye, markii isbedelkii uu ku hamiyayay Prof. Dixood iyo tubta uu qaaday xisbigii Kulmiye ay kala leexdeen.

 

 

Wixii intaas ka dambeeyay AHUN Prof. Dixood waxa uu u leexday dhinaca dhaqanka, isaga oo noqday xeerbeegti garta goysa iyo oday dhaqameed guurti ah oo la isku haleeyo, hadalkiisuna uu cadyahay.

 

 

Alle Ha U Nuuro Qabriga’e Prof. Dixood ayaan tariikhda sina uga bixi doonaan inta manhajkii waxbarasho ee dhinaca Physics-Math-ka ahaa ee uu dalka u dajiyay wali la dhigto, ardaydii uu soo baray tacliintana ay wali yihiin kuwo ababintiisii ku aflaxay maantana ah barayaal wax sii bara arday kale oo tiro badan, sidoo kalena waxa Prof. Dixood Eebe ha ku macsuumo Janadii Farduusa’e lagu xasuusan doonaa mawqifkiisii adkaa ee dhinaca isbedelka ah iyo aragtidiisii dheerayd ee bulshada ka horaysay oo mararbadan maqaalo dhaxal reeb ah ka daabacay, kuwaas oo qaarkood ay maanta mareegaha bulshada ku kaydsan Yihiin.

Inaali-laahi Wa-inaa Ilayhi Raajicuun.

 

Marxuumka ayaa waxa Tacsi u diray dadka hoos ku Xusan:
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale

Saleebaan Xasan Wacays

Dr. Abdi Muumin Xamari

Cabdilaahi Rabiile Good

Sheekh Ibraahin Aw kaariye

Eng Bilaal Sheekh Dahir Bilaa

Eng Maxamuud Muuse Sidci

Wariye Abokor Xasan Caafi

Wariye Maxamed Nuur Bili bili

Wariye Cabdale Cali Yuusuf

Siyaad Daahir Camuud

Axmed Nuur Muuse

Prof Daahir Maxamuud Xadi

Cabdiraxmaan Xasan Cawaale

Axmed Xuseen Aaare

Dr Cabdinaasir Xuseen Cabdile

Dr Mustafe Muumin Muuse

Xasan Saciid Guuleed

Gud.Lughaya Cabdilaahir Ali Awnuur Dixood

Xildhibaan Cige

Cumar Muumin Caare

Ibraahin Biriidh

Siyaasi Cumar Daahir Cilmi     

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker