Maxay yihiin Sharciyada Cusub Ee Bishan Ka Dhaqan Galay Dalka SWEDEN ?

Bishan aynu ku jirno ayaa waxaa dhaqan galay sharciyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dhinacyada xaquuqda carruurta, falal dambiyeedka, kontorool lagu sameeyo muwaadiniinta dibada, guurka qaraabada iyo laanta socdaalka ee dalka Sweden.

Sharcigga la xidhiidha xaquuqda iyo bad baadada carruurta ee cidda masuulka ka ah hooyga ay ku nool yihiin iwm oo la xoojiyey. Sharcigan ayaa guddiyada dowladda hoose ee arrimaha bulshadda fursad u siinaya  in ay dhageysan karaan carruuraha, iyagoo ogolaansho ka  qofka masuulka ka ah, islamarkaana muhiim u arag in goobe ka noqdaan dadka masuulka ka ah kolka ay dhacdo in la wareysto ama la dhageeysto carruuraha. Sharcigan ayaa sidoo kale ciqaab iyo dambi ka dhigaya haddii carruurta hortooda lagu geysto gacan ka hadal iyo fal dambiyeedyo kale.

 

Shaqsiyaadka lagu tuhmayo inay dembiyo geysteen ayaa sharcigan cusubi xaq u siinaya in Dembi baadhista lagu heyn muddo saddex ilaa sagaal bilood ah, haddii aaney gaadhin  da’da 18 jirka. Sidoo kalena kuwa ay da’doodu ka yar tahay 18 sanno ee la soo xidhay  ay xaq u yeelanayaan inay la joogaan shaqaalaha ama qof kale ugu yaraan afar saacadood maalin kasta.

 

Dalka Swden  ayaan sidoo kale aqoonsan doonin guurka shisheeyaha ee salka ku haya in la guursado hal qof wixii ka badan iyo guurka qaraabada dhow.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker