Wasiiro Cisbotaalka Ku Booqday Dadkii Ku Dhawacmay Mudaharadkii Shalay

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga JSL, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa soo booqday dadkii shacabka ahaa iyo Ciidamadii ku dhaawacmay qaskii iyo qalalaasihii ay shalay sameeyeen labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo Ucid.

Wasiirada ayaa si guud u soo arkay xaalada caafimaad iyo dhaawacyada soo gaadhay Ciidamada Booliska iyo dadka shacabka ah labadoodaba, Wasiirada ayaa u rajeeyey in Eebe caafimaad degdeg ah siiyo inta dhibaatadaa ku dhaawacan tahay , intii dhimatayna samir iyo iimaan Eebe ka siiyo ehelkoodii iyo qaraabadoodii intaba.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa amray in dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaadheen loo daweeyo lacag la’aan, ayna dawlad ahaan masuul ka yihiin bixinta adeegyada caafimaad ee lagu dawaynayo dadka dhaawacmay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker