Sheekha Caanka ah Dunidda islaamka Oo Shuruudo Ku Xidhay Guurka Gabadhiisa

Sheekha caanka ah dunidda islaamka una dhashay dalka Hindiya ee , Zakir Naik, ayaa barihiisa soo dhigay qoraal uu gabdhiisa ugu raadinayo wiil guursada.

Qoraalka Sheekha ayaa waxaa la socda waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaadka gabdhiisa iyo shuruudaha laga rabo wiilka uu la doonayo.

“Assalamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakatuhu, waxaan gabadheyda curadda ah u raadinayaa wiil Muslim ah oo akhlaaq wanaagsan leh, si ay inantayda iyo seeygeeduba uu midba midka kale ugu noqdo gaashaan.”

Haddii aad u qalanto oo aad xiisaynayso, ama haddii aad tahay aabaha ama qaraabada wiil aad u malaynayso inuu xaq u leeyahay oo aad diyaar u tahay inaad eegto arrintan, waxaan si khushuuc leh kaaga codsan lahaa inaad ka soo jawaabto qoraalkan.

“Shuruudaha looga baahan yahay inuu buuxiyo wiilka doonaya gabadheyda”

1. In uu yahay wiil Muslimad ah, uuna diinta ugu dhaqmo sida ay fareyso.

2. In sunnada uu aad ugu dedaalo inta karaankiisa ah.

3. In luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga uu yaqaano.

4. In uu ka fogaado dhamaan hawlaha xaaranta ah.

4. In xaaskiisa uu ku dhiiragelin karo dadaalka dawcwadda ee ay waddo.

5. In uu xaafidul Qur’aan yahay.

6. In Shahaadadaa Koobaad ee ‘Bachelor Degree’ uu ka haysato Shareecada Islaamka.

7. In uu dhageysatay dhowr daaci oo ku wacdiya luuqadda Ingiriiska.

8. Waa inuu Diinta Islaamka ku faafiyaa meelaha ay ku badan yihiin masixiiyiinta.

Faah-faahinta gabadha Sheekh Zakir Naik ee uu seyga u raadinayo
1. Da’deeda: 25 jir, iyo 2 bilood.

2. Waxay ku nooshahay: Putrajaya, Maleesiya.

3. Waxay leedahay dabeecad iyo akhlaaq wanaagsan, waa ay naxariis badantahay, dhanka saaxiibtinimada way ku fiicantahay, waxay jeceshahay wax barashada iyo baridda Qur’aanka.

4: Waxay haysataa shahaahada koobaad ee Shareecada Islaamka, iyadoo ka soo qalin jabisay Jaamacadda Nourah University, Riyadh, Saudi Arabia. Waxayna haatan isla jaacaddaasi ka wadda shahaada labaad Tafsiirka Qur’aanka.

5: Waxay si faseex ah ugu hadashaa luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga. Waxay sidoo kale ku hadashaa luuqadaha Uruduuga iyo Hindiga.

6: Waa daaci xaafidul Qur’aan ah oo ku guuleysatay abaal marino.

7: Waxay ka heshaa dabbaasha iyo safarka.

Source-BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker