Iiraan Iyo Maraykanka Oo Saynisyahano Maxaabiis Ahaa Is-dhaafsaday.(Sawiro)

Maraykanka Iyo Iran ayaa iswaydaarsaday Maxaabiis u kala dhalatay labada dal oo ay hore u kala qabsadeen, waxana warka sii daynta maxaabiistan soo dhaweeyay masuuliyiinta labada dal

Dhinaca Iran waxa ay sii daysay Cilmi-baadhe Xiyue Wang oo ah Chinese haysta dhalashada Maraykanka oo ay Iran xidhay sanadkii 2016kii laguna eedeeyay dambi dhinaca basaasnimada ah. Halka uu Maraykanku ooda ka qaaday Massoud Soleimani oo ah Saynisyahan ku takhasusay xuluunta Unugyada, kaas oo Sanadkii hore ay ciidamada amniga ee maraykanku ka xidheen Garoonka Diyaaradaha ee Chicago, kuna eedeeyeen inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii Saarnayd Iran, isaga oo markaas isku dayayay in uu Walxo Mamnuuc ah u dhoofiyo Iran.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif oo bartiisa tweeter ku shaacinayay warka siidayntan ayaa yidhi “Waa farxad hadii Professor Massoud Soleimani iyo Mr Xiyue Wang-ba ay maanta dib ula midoobayaan qoysas-koodii, waxana uu soo dhigay tweeter-ka sawir uu la galay Professor Massoud Soleimani.

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaguna dhinaciisa ka soo dhaweeyay warka siidayta ah waxana uu yidhi “Inaan ka shaqayno sii daynta Muwaadiniinta Maraykanka ah ee meelo kaladuwan oo dunida ah sida gar-darada ah loogu qafaashay waa hawl uu maamulkaygu ahmiyada koowaad siinayo, waanan ka shaqaynayaa siiwadida hawshan ilaa aan dalka ku soo celinayno dhamaan muwaadiniinteena la haysto”

Dhinaca kale Xaaska Mr. Wang oo magaceeda la yidhaa Hua Qu ayaa dhinaceeda ka xaqiijisay in saygeeda la sii daayay waxana ay tidhi “Qoyskayagu mar kale ayuu isku yimid, Aniga iyo Wiilkayga Shaofan waxa aan sugaynay mudo sedex sano ah in uu aabihii noo soo laabto, shucuurtayadana ereyo kuma cabiri karno maanta, waanse faraxsanahay mar hadii aan dib u midawnay, waanan u mahadnaqayaa cid walba oo gacan ka gaysatay siidaynta Saygayga”

Jaamacada Princeton University oo uu Mr. Wang barre ka ahaa iyaduna soo dhawaysay warka siidayntan, waxana ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay, kana hawlantahay inay Mr. Wang soo dhawayso, kuna soo dhawayso Jaamacada.

Marka dib loo milicsado maalmahii la qabtay labadan aqoonyahan ayaa waxa xusid mudan in la sheego in Mr. Wang uu Sanadkii 2016kii u tagay Iran inuu ka sameeyo cilmi-baadhis, waxana ay dawlada Iran xidhay bishii August ee sanadkii 2016 waqti oo rabay inuu dalkaas ka soo dhoofo, waxana lagu eedeeyay dambiyo dhinaca basaasida ah, iyada oo la xusay in cilmi-baadhista uu ku hoos dhuumanayay ujeedaniisuna ay ahayd in uu Sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska u gudbiyo Macluumaad Sir ah. Tan badalkeeda ayaa iyaduna ah in Saynisyahanka reer Iran ee Prof. Soleimani lagu xidhay Maraykanka bishii October 2018-kii waxana lagu eedeeyay in uu damacsanaa in uu America kala dhoofo Walxo halis ah (biological material) oo Iran ay u baahnayd si ay hub uga samayso. isla markaana uu ku xadgubay cunaqabataynta uu Maraykanku saaray Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker