Madaxweynaha Kenya Oo Guddi Wasiiro U Saaray Muranka Dhul-badeedka Ee Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada ee dalkaasi ayaa sheegay in guddi wasiiro uu u saaray muranka dhul badeedka ah ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

Waxaa uu sheegay madaxweynaha Kenya in si deg deg ah loo xalin doono muranka diplomaasiyadeed ee ka dhex aloosan Dowladdaha Soomaaliya, isagoona guddi wasiiro ah u xil saaray arintaasi.

 

Sidoo kale Dowladda Kenya ayaa War qoraal oo soo baxay waxaa ay ku sheegtay in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixi doonaan go’aanka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Kenya ka hadasho muranka tan iyo intii dowladda Soomaaliya ay si dublamaasiyadeed oga soo jawaabtay tallaabadii Kenya ay ku soo ceyrisay Danjire Maxamed Nuur Tarsan, danjiriheediina joogay Muqdishana la baxday.

 

Madaxweynaha dowladda Kenya

Uhuru Kenyatta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker