Taliska Qeybaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Oo Isbeddel Lagu Sameeyay.

Muqdisho-(OWN)-Taliyaha  Ciidanka Xoogga Soomaaliya ,S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isbeddal ku sameeyay Saraakiisha Talisyada qeybaha Ciidanka Xoogga ee gobollada Soomaaliya.

Jen. Daahir Aadan Cilmi, ayaa S/guuto Tawane Axmed Maxamed, u Magacaabay Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Abbaanduulaha Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa loo Magacaabay ,G/sare , C/salaam Aaden Axmed.
Waxaa sidoo kale, wareegtada kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilalka looga qaaday Taliyeyaasha qeybaha 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad, qeybta 21-aad iyo qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa lagu Magacabay Taliyeyaasha qeybaha 27-aad 60-aad, 21-aad iyo 54-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.
Akhri Wareegtada;

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker