War deg deg ah: Madaxwaynaha Cusub iyo Ku Xigeenkiisa Galmudug oo Lagu dhawaaqay

Dhuuso Mareeb ( OWN) Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay.

 

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday maagaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka Musharaxii kale ee ku xigay ee oo ahaa Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO QUDBADII UGU HORRAYSAY EE UU JEEDIYAY MADAXWAYEN QOOR QOOR

 

 

 

Sidoo kale waxaa wareegan ku hadhay Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod.

 

 

Musharraxa Guuleystay oo ay wadatay Dowladda federaalka ah ee Somalia ayaa horay loo sii  Saadaalinayay inuu ku soo bixi doono doorashadan.

 

Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku Guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu Hoggaamin doono Galmudug Afarta sano ee soo socota.

 

 

Intaasi kadib  waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka Madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo gaadhayey shan musharrax.

 

Shanta musharrax ayaa waeeegii koowaad kala

 

Codadkan

 

 

Cabdiqani Sheekh Cali Diini 26 cod.

 

Cali Daahir Ciid 26 cod.

 

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) 12 cod.

 

Saadaq Cabdullaahi Xaashi 7 cod

 

Iyo Axmed Taajir Yuusuf Warsame oo isna helay 6 cod.

Sidoo kale waxaa wareega labaad u gudbay afarta musharrax ee ugu codadka badnaa wareega 1-aad, balse inta aysan bilaaban codeynta ayaa waxaa taanusalay musharraxiinta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi.

 

 

Sidaas daraadeed waxaa wareega labaad oo aad u adkaa ku Tartamay, Cabdiqani Sheekh Cali Diini iyo Cali Daahir Ciid oo min 26 dhibcood kala helay wareegii 1-aad.

Sida uu shaaciyey Guddoomiye Gacal waxaa ugu dambeyn xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku guuleystay musharrax Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod .

 

halka Cabdiqani Sheekh Cali Diini uu helay 31 Cod.

 

Cali Daahir Ciid oo ku soo baxay Xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ka mid ahaa shaqaalaha Xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Doorashadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay garabka Ahlu Sunna ay Dhuusamareeb ugu doorteen inuu noqdo madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker