Dawladda Faransiiska oo Wadda Olole ka dhan ah Masaajidada Dalkeed

Dowladda Faransiiska ayaa qaadeysaa tallaabo aan horey Loo arag oo ka dhan ah masaajidda looga shakiya inay dhiirigelinayaan fikradaha xagjirka ah.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in 76 masaajid la beegsan doono maalmaha nagu soo aadan, waxaa dhici kartaa in qaar kamid ah masaajiddaas la xidho.

 

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca kaga qaaday qorshe uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeedhay “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

 

Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa lagu waday inay Toddobaadkan dhexdiisa la kulmaan Madaxweyne Emmanuel Macron, si ay ugala hadlaan qoraal ku qoran “axdiga qiyamka Jamhuuriyadda” ee cusub kaas oo loogu talo galay inay Saxiixaan imaamyada dalkaas.

 

 

Golaha (CFCM), oo wakiil ka ah ilaa sagaal Urur oo Muslimiin ah, ayaa la sheegay in laga dalbaday inay qoraalka axdiga ku daraan aqoonsashada qiyamka Jamhuuriyadda Faransiiska, diidmada in Islaamka loo adeegsado dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo in la mamnuuco fururrin shixidhoye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker