Maamul Ka Tirsan Soomaaliya Oo laga Mamnuucay Indha shareerka (Niqaabka)

Maamulka Degmada Baraawe Gobolka Sh/Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray amar ay haweenka kaga mamnuucayo  in ay xidhaan  indha shareerka (Niqaabka).

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo saareen Amar ah in haweenka Baraawe aanay xidhan karin  Indha shareerka (Niqaabka).

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatooyin amni darteed ay u mamnuuceen Niqaabka  ay haweenka xidhtaan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay in ay qabteen Rag badan oo xidhay Niqaabka  islamarkaasina falal amni daro ka geysta Degmadaas.

 

Haweenka ayuu ugu baaqay in ay fuliyaan amarka ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Taliska Ciidamada Amaanka iyo kuwa Milatariga.

 

Degmada Baraawe oo ah Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca Falal isugu jira qaraxyo iyo dilal iyo weeraro toos ah oo ay soo qaadaan Al-Shabaab.

Indha shareerka (Niqaabka) ay Haweenku Xidhaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker