Boqollaal Muslimiin ah oo carruurtooda ka joojiyay iskuul ku yaalla Magaalada Birmingham Ee UK

Waalidiin xanaaqasan ayaa ka joojiyay carruurtooda in ay u diraan iskuulka Parkfield community ee magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska,talaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii Dawlada ingiriiska ay soo rogtay in laga dhaqan galiyo iskuulada waddankaasi barashada arrimo la xiriira galmada dadka isku jinsiga ah, qofkuna dooran karo lab iyo dhedig qofka uu noqonayo lammaanihiisa.

‘Dadka dhigta iskuulkan in ka badan boqolkiiba shagaashan waa Muslim,iskuulkan wuxuu wax ku yahay waa ardeyda,qorshahan waxaa wata qolyahan u ololeeya xuquuda kuwa u ololeeya galmada dadka isku jinsiga ah,waxayna ku dacwoonayaan waxaan ka cararaynaa in nala faquuqo,dadkii muslimiinta ahaa waxyaabo aysan aqoon ayay noqdeen,dacwooyin ayay ka sameeyeen oo baarlamaanka loo diray walina waxba lagama qaban”

Ardayda iskuulkan laga saaray ayaa kor u dhaafaya 600, waxaana wali socota dacwadda u dhaxaysa maamulka iyo waalidiinta ardayda.

Carruurta iskuulkan laga joojiyay da’aadoodu waxay u dhaxaysaa 4 ilaa 11 jir, wali waxaa socda mudaharaadyo joogta ah oo ay sameynayaan waalidiinta ardayda dhalay kuwaas oo dalbanaya xaquuqda ay u leeyihiin in la dhagaysto rabitaankooda iyo ka carruurtooda oo ah in laga joojiyo dhaqangalinta sharcigan iskuulada ay dhigtaan.

Maxamed Aadan ayaa sidoo kale sheegay ”Arrinkani walaac xoogan ayuu ku dhaliyay waalidiinta Soomaaliyeed joogitaankooda dalkan,carruurtu iskuul la’aan ma joogi karaan guryaha looma diri karo iskuulo lagu baranayo dhaqankan nagu cusub ,wadatashi ayaa u socda sidii loo wajihi lahaa arrinkan iyo sidii loola falgalilahaa arintan”.

Waalidiinta ardayda ayaa ku dooday in ay tahay in lagala tashado manhajka iskuulka lagu soo kordhinayo maadaamaa uu saameyn weyn ku yeelan karo carruurtooda.

Waxyaabaha kale ee manhajka lagu kordhiyay ayaa waxaa ka mid ah barashada arrimaha la xiriira diimaha kala duwan iyo bulshooyinka kala isirka ah sidii ay u wada noolaan lahaayeen, balse waa qodobka ku saabsan xiriirada dadka kan buuqa weyn dhaliyay.

Magaalada Birmingham waxaa ku nool muslimiin kabadan illaa 200 oo kun,kuwaas oo si wayn uga soo horjeeda dhaqan galinta sharuurcdan cusub ee lidka ku ah diintooda iyo dhaqanka dadka muslimka ah.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaankaas Liam Byrne ayaa sheegay in uu ka codsaday xoghayaha waxbarashada Ingiriiska in uu la kulmo waalidiinta, kadibna dhagaysto cabashadooda.

Marka la gaaro sannadka 2020-ka, dalka Ingiriiska wuxuu qorshaha yahay in la dhaqangaliyo manhaj ay ku jiraan arrimaha ay waalidiintan ka cabanayaan ee iskuulka uu si iskiis ah usoo jeediyay in la dhaqangaliyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker