Dagaal dhexmaray Ciidamada Somalia iyo Kenya

Muqdisho (OWN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa  laga helayaa iska hor imaad markale ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhex-maray xuduud  labada dal,

Gaar ahaan duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isaga oo markii dambe istaagay.

 

 

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Oodawynenews  u sheegay in dagaalkaasi la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

 

 

Sidoo kale illaa iyo hadda si dhab ah looga oga wax sababay is-rasaaseynta labada ciidan oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo ka waday xadka Soomaaliya & Kenya.

 

 

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

 

 

Si kastaba waa markii labaad oo uu iska hor imaad toos ah uu dhex-marayo ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo iyo kuwa Kenya ee ku sugan duleedka Beledxaawo.

 

 

Arrintan ayaa sidoo kale Kusoo Aadaysa, xilli dhowaan ay Kenya ku hanjabtay inay jawaab kulul ka bixin doonto, haddii uu dagaal uga yimaada dhanka ciidamada Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker