Gudiga Cadaalada Dalka Masar oo Ku Taliayay in La Baadho Sababta Keentay Geerida Madaxwaynihii Hore Maxamed Mursi AHN

Qaahira (OWN) – Guddiga Cadaaladda Dalka Masar ee Loo yaqaano (Egypt Committee for Justice)   ayaa dalbaday in baadhitaan deg deg ah lagu sameeyo sababtii keentay Dhimashada madaxdwdeynihii hore ee Masar  Maxamed Mursi, wuxuuna Guddoomiyaha guddigaas bixiyey faahfaahin ku saabsan daqiiqadihii ugu dambeeyey Nolosha Mursal.

Madaxa fulinta Guddiga Committee for Justice Axmed Mufrij oo fadhigiisu yahay Magaalada Geneva ayaa Talefishinka Al-Jazeera u sheegay inay qabaan shaki weyn oo ku aadan dhimashada Dr. Maxamed Mursal isagoo taas ku micmneeyey in Xeer ilaalinta guud ee Masar ay u diiday inuu Mursi xabsiga ku helo daaweyn isla markaasna aysan dhex dhexaad ka noqon karin Xaaladaha keenay dhimashadiisa.

Guddiga ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay inay dhimashadaan ku sameyso baadhitaan gaar ah sidoo kalana ay il gaar ah ku fiiriso xaaladaha halista ah ee Xabsiyada Masar ku heysato boqolaal kale oo Xidhan.

“Marka la fiiriyo waqtiga, Siyaasadda iyo Gobolkaba waxay nagu abuureysaa shak weyn oo ku aadan in Mas’uuliyiinta amniga Masar ay dileen Dr Morsi.”  ayuu yiri Mufrij.

 

Wuxuu ka dalbaday xeer ilaaliyaha Masar inuu joojiyo tallaabo kasta oo la Xidhiidhta aasitaanka Meydka Mursi  iyada oo aan fasax laga haysan qoyskiisa isla markaasna aysan xaadir aheyn wakiilladiisa sharciga.

Qof u doodo Xuquuqul Insaanka ayaa Al-Jazeera u sheegay inuu hayo macluumaad ku aadan in Meydka Mursi markii hore la geeyey Isbitaal ku yaal Xabsiga Tora halkaasna lagu hareereeyey ciidamo badan.

Maxkameynta Mursi ee Isniintii Shalay aheyd ayaa ka duwaneyd kuwii hore waxaana maxkamadda la dul dhigay ciidamo aad u badan taasoo aheyd wax ku cusub Maxkamadeyntiisa.

Madaxa fulinta Guddiga Committee for Justice Axmed Mufrij ayaa sh

eegay in maxkameynta Mursi ay soo xaadireyn kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo qaar badan oo ka tirsan Saraakiisha Amniga Masar kuwaasoo oo lagu arkayey howlka Maxkamadda iyo dhammaan jidadka laga soo galo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhammaan qareenadii ay la kulmeyn baaritaan shakhsi shakhsi ah lagana reebay taleefoonadii gacanta iyo qalab Kasta oo Electronic ah kuwaas oo aan fadhiyadii hore ee Maxkamadda loo diidi jirin.

Mufrij ayaa sheegay in Maxkamadeynta uu ku dhintay Mursi ay bilaabatay 12:30 Duhurnimo waqtiga Masar, wuxuuna  tilmaamay inuu garwadeyn ka ahaa Maxamed Shiirin Fahmi  iyadoo ay goobta ku sugnaayeen dhammaan qareenadii u doodayey Mursi.

Mufrij ayaa sidoo kale sheegay inuu Mursi Maxkamadda ka dalbaday inay u ogolaato inuu hadlo, wuxuuna Mursi Maxkamadda horteeda ka sheegay in loo diiday inuu helo daawo uuna dhimasho kas ah kala kulmayo Maamulka Masar.

Sidoo kale Mursi ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad usii xumaaneyso sidoo kalana uu miir daboolbay asbuucii lasoo dhaafay dhawr jeer isla markaasna uusan helin wax daawo iyo gargaar ah.

Illo wareedyo rasmi ah ayaa Al-Jazeera u sheegay inuu Mursi Maxkamadda ka dalbay inuu la hadlo Qareenkiisa  si uu ugu dhiibo Amaano ku socoto Shacabka Masar, sidoo kalana uu kala hadlo arrimo isugu jiro halis iyo muhiim.

Illo wareedyadaas ayaa sheegay inay Maxkamadda codka ka xirtay markii uu Mursi intaas dalbaday loona diiday inuu hadalka sii wado.

Mufrij ayaa sheegay inuu Mursi miir daboolnaa ku dhawaad 30 daqiiqo intii lagu guda jiray maxkamadeyntiisa isagoo aan helin wax gargaar ah, wuxuuna tilmaamay inay Maxkamadda dhexdeeda ka qeylo dhaamiyeen xubno kale oo Mursal lala maxkamadeynayey si uu u helo gargaar deg deg ah balse arrintaas waxaa iska indha tiray Saraakiisha Ciidamada iyo Garsoorayaasha Maxkamadda.

Guddiga  Xuquuqul Insaanka iyo Cadaaladda ee dalka Masar ayaa tilmaamtay inuu Mursi la kulmay jirdil aad u badan intii uu xabsiga ku jiray.

Wiilka ugu yar ilmaha Mursi ka tagay Cabdullaahi ayaa horey u sheegay inuu si joogto ah uga dacwooda xaaladda caafimaadka ee aabihii iyo daweyn la’aanta.

Wuxuu bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wakaaladda wararka ee AP u sheegay in aabihii si joogto ah loogu hayay xabsi cidlo ah, loona diiday dawo uu u qaato xanuuno halis ah oo uu wajahayay sida Dhiig-kar iyo cudurka Macaanka.

Shan bilood ka hor, Cabdullaahi wuxuu wargeyska Washington Post u sheegay digniin ah in maamulka Masar ay ka go’an tahay “in arrintaas ay is ula kac ah u sameeyaan, maadaama ay doonayeen in ay arkaan inuu iska dhinto, sida ugu dhaqsaha badan”.

Waxaa la cadeeyey inuu Mursi Maxkamadda ka dalbaday 8-dii Agoosto Sanadkii 2015 in la daaweyo, waxayna maxakamadda sheegtay inay u direyso Dhakhtar ku takhasusay cudurka Sokorta balse illaa dhimashadiisa  looma dirin wax dhakhtar ah.

Wasiirka Arrimaha  Gudaha Masar General Maxamuud Towfiiq ayaa lagu eedeeyey inuu yahay ninka diiday inay Maxaabiista Ikhwaanul Muslimiin oo uu kamid ahaa Mursi helaan daryeel Caafimaad isla markaasna ay jireen Maxaabiis badan oo u dhibaatoonayey cuduro halis ah, wuxuuna diiday in lagu daaweyo Isbitaalka Xabsiga iyo kuwa banaanka intaba.

Xeer ilaalinta guud ee Masar ayaa ku dhawaaqday in deg deg loo aasi doono meydka Mursi saacado kadib markii la shaaciyey dhimashadiisa.

War saxaafadeed kooban oo kasoo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay inay amartay aasitaanka meydka Maxamed Mursi oo ahaa 68 jir kadib markii la marsiiyey baaritaanadii caafimaad ee lagama maarmaanka ahaa sida uu shaaciyey Talefishinka Dowladda inkastoo aan lasoo bandhigin natiijadii kasoo baxday baaritaanadii sharciga ahaa.

Meydka madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa deg deg loogu aasay magaalada Qaahira saacado yar ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad qaadeysay dacwado loo heystay.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa aaska ka qaybgalay iyadoo loo diiday inay meydka qaataan kuna aasaan deegaanka uu ku dhashay.

Dowlada Masar ayaa sheegtay in Mursi wadnaha uu istaagay,balse hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa shaki ka muujinaya sababta rasmiga ah ee uu u geeriyooday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker