Islaan 90 jir ah oo 5 maalmood kaddib iyadoo nool laga dhex helay burburka dhulgariir kii ku dhuftay Japan

Kooxaha gurmadka ayaa islaantan ka soo dhex saaray burburka labo dhisme oo ku yaala magaalada Suzu.

Dhulgariir cabirkiisu yahay 7.5 ayaa ku dhuftay xeebaha Japan Isniniintii la soo dhaafay, waxa burburay magaalooyin ku yaala dhulka fog ee jasiiradda Noto.

In ka badan 120 qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, halka 200 oo kale lagu la’yahay.

Sida laga soo xigtay wargeyska Yomiuri Shimbun, 100 shaqaalaha gurmadka degdeg ah ayaa loo diray magaalada Suzu kaddib markii la ogaaday in labo haween ah la aasay iyagoo nool.

Wargayska oo soo xiganaya booliska ayaa weriyay in islaan waayeel ah ay ka jawaabaysay dhawaaqa kooxda gurmadka, laakiin ay la il darnayd xaraaradda jirkeeda oo aad hoos ugu dhacsanaa.

Isla aagaasi kooxda gurmadka degdeg ah waxa ay heleen islaan ku jirta da’da afartanaadka.

72 saacadood ee ugu horreysay dhulgariirka ayaa loo tixgalinyay waqtiga ugu xasaasisan, maxaa yeelay waxa loo arkayay in waqtigaa wixii ka dambeeya ay adag tahay in loo tago dad nool.

Laakiin labadaa islaamood waxa la helay maalmo kaddib markii daaqadaasi xirantay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker