Somaliland: UCID, Ma Xisbiga Ciyaalasuuquu Noqday?

Somaliland waxaa ka jira laba xisbi oo oo qaran ah, Kulmiye iyo Waddani. Xisbiga seddexaad ee UCID, oo uu hogaaamiye u yahay Faysal Cali Waraabe, waxaad moodaa in uu noqday, xisbiga ciyaaalasuuqa.
 
Run ahaantii xisbiga waxaa ku jira asxaab fara badan oo karti iyo khibrad leh, lakiinse intuu Faysal “fadh-fadhle” madax ka yahay, meelna ma gaadhayo.
 
Waayo, Faysal waa shaqsi wax kasta ku hadla, oo cidla walba oo damacsan in ay la shaqeeyso ay iska hor imanayaan. 
 
Marka hore, Xisbiga waxaa iska leh dadka Somaliland, ma aha makhaayad u furan Faysal Cali Waraabe oo kaliya.
 
Ma ninka 4% helay doorashadii Madaxweyne ee ina soo dhaaftay baa wax la weydiinaya?
 
Ma ninka kolba meel isku qaaada, ee aan lahayn miisaan iyo is habeyn baa talo la weydiinayaa?
 
Faysal Cali Waraable wuxuu UCID ka dhigay taxi la kiraysto, oo aan xitaa ahayn mid qurux badan,  oo ah mid qoran ah oo daxalaystay oo saliidu shubaya.
 
Ma laga waayey xisbigaa intaa oo sannadood soo jiray, siyaasi ka hurgufa Faysal “fadh-fadhle” meesha?
 
Waxaan ugu qiyaasay  UCID inuu noqday xisbiga ciyaalasuuqa, wuxuu yeeshay astamaaha ciyaalasuuqa;
 
Xisbi wax kasta ku hadlaya, xisbi cid walba shaxaadaya, xisbi cid walba shiidaya, xisbi cid walba arbushaya, xisbi cid walba caayaya. Waa xisbi aan rukun lahayn, oo kolba dabayshu dhinac u sido.
 
Somaliland waxay u baahantay mucaarid adag oo la xisaabtama xukuumadda dalka. Waddani dhinaciisa wuu ka hayaa hawsha, lakiin, intuu UCID oo Faysal hogaamiye u yahay meesha ku dhex jiro, mucaarid qiimo leh lama helayo.
 
Waxaan dadka Somaliland iyo asxaabta UCID ku jirta la gudboon in dib loo dhiso, xisbi sharaf iyo haybad leh.
 
 
Allaa Mahad Leh
 
 
Axmed Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker