Xaaska Madaxweynihii Haiti Oo Ka Warbixisay Sida Loo Dilay Seygeeda

Koox calooshood u shaqeestayaal u badnaa askar hore oo katirsanaa ciidanka Colmbia ayaa 7-dii bishan July gurigiisa ku dhax dilay Madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moïse halka xaaskiisana ay dhaawaceen.

Xaaska Madaxweynaha la dilay Martine Moïse, oo lagu daaweenayo isbitaal kuyaala dalka Mareykanka ayaa cod ay soo duubtay uga sheekeesay sida uu u dhacay dilkii loo geestay Seygeeda xili ay gurigooda joogeen.

Martine Moïse, ayaa sheegtay in weerarka lagu soo qaaday u dhacay si deg deg ah, waxa ayna tilmaantay in seygeeda xitaa fursad aan loo siin in hal erey ku yidhaahdo kooxda weerarka kusoo qaaday kuwaa oo rasaas xoogan la dhacay.

“Muddo ilbiriqsi ah, ayay calooshood u shaqeystayaal gurigeyga soo galeen, waxayna ninkayga ku rideen rasaas, Ficilkani ma lahan magac sababtoo ah waa inaad noqotaa dambiile aan xad lahayn marka aad dilayso madaxweyne sida Jovenel Moïse, adigoon xitaa fursad u siinin inuu hal eray dhaho, ayey tidhi xaaska Madaxweynaha la dilay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker