Caabuqa Coronavirus Oo Qofkii Koowaad Ku Dilay Qaaradda Yurub

dhimashada uu sababay Caabuqa coronavirus ayaa kor u dhaafay 1,500 Qof, Maalin ka dib markii Markii Dadku ka soo laabteen Fasaxa.

Iyadoo hore loo shaaciyey in Caabuqa coronavirus uu ku fiday illaa 20 waddan, ayaa haddana waxa soo baxaya in Dalal badan oo kuwaa ka mid ahi joojiyeen xidhiidhkii Ganacsi ee ka dhexeeyay Shiinaha, maaddaama oo uu jiro Xanuunka halista ah ee coronavirus.

Afar Qof ayaa la diwaangeliyey in xanuunka coronavirus uu ku dilay meel ka baxsan Shiinaha, waxaana ka mid ah Dalalkaasi Hong Kong, Philippines, Japan iyo Faransiiska oo Qofkii ugu dambeeyay ku Geeriyooday.

Qofka Xanuunkani ku dilay Faransiiska, ayaa noqonaya kii koowaad ee uu Qaaradda Yurub ku dilay coronavirus.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker