Kenya oo shaacisay in dagaal aanu kala dhaxeyn deriskeeda

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Musalia Mudavadi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya dalkiisa iyo dalalka deriska la ah, inkastoo dhowr jeer oo hore ay jireen khilaafyo uu sheegay in qaab diblumaasiyadeed lagu xalliyay.

Kenya ayaa kiis ku saabsan shidaal kala dhaxeeyaa dalka Uganda, waxaana todobaadkii hore uun ay xalliyeen muran dhanka hawada ah oo kala dhexeeyay Tanzania.

Horaantii bishaan, Sudan ayaa u yeeratay ergaygeeda ka dib markii Nairobi ay marti galisay madaxa ciidamada RSf Maxamed Dagalo, kaasoo dagaal sokeeye kula jira ciidamada Sudan.

Bishii Disembar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sidoo kale u yeeratay safiirkeedii Nairobi ka dib markii isbaheysi cusub oo fallaagada Congo ah lagu sameeyay caasimadda Kenya.

Khudbad uu jeediyay Axaddii, ayuu Mr Mudavadi ku adkaystay in Kenya ay safka hore kaga jirto nabadda gobolka.

“ Kenya dagaal kulama jirto mid ka mid ah dalalka deriska la ah,” ayuu u sheegay warbaahinta gudaha Kenya Musalia Mudavadi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker