War cusub oo kasoo kordhay madaxii maafiyada Talyaaniga

Warqad la calaamadeeyey oo lagu dhex qariyay lugta kursi, ayaa gacan ka gaysatay in la xiro madaxa Maafiyada Talyaaniga, Matteo Messina Denaro, oo si weyn loo baadi goobayay.

Booliiska ayaa waxay heleen qoraalkan intii lagu jiray hawlgal qarsoodi ah, oo ka dhacay guriga haweeney la dhalatay madaxii maafiyada, oo la yiraahdo Rosalia – hal bil ka hor, intii aan lagu xirin xarunta gobolka Sicilian ee Palermo bishii Janaayo.

Rosalia Messina Denaro, ayaa sidoo kale lagu xiray Sicily Jimcihii.

Walaalkeed, oo 60 jir ah, ayaa 30 sano baxsad ahaa, waxaana la rumeysan yahay inuu ka biyo diidsanaa la horgeeyo hey’adda garsoorka, isagoo gacan ka helaya qoyskeeda.

Waxaa lagu eedeeyay inuu madax ka ahaa kooxda caanka ah ee, Cosa Nostra Mafia, waxaana la isku dayay oo lagu xukumay xabsi daa’in, isagoo maqan sanadkii 2002-dii, isagoo gaystay dilal xiriir ah.

Ugu dambayntii ayaa waxay booliisku ku qabteen bannaanka rug caafimaad oo gaar loo leeyahay, oo ku taalla Palermo, halkaasoo uu isaga daweynayey cudurka kansarka aqoonsi been abuur ah, 16kii bishii Janaayo ee sanadkan.

In ka badan 100 ka tirsan ciidamada qalabka sida, ayaa ku lug lahaa xarigiisa.

Rosalia Messina Denaro, 67, oo sidoo kale loo yaqaan Rosetta, ayaa lafteeda lagu xiray Sicily, iyada oo lagu eedeeyay xubinnimada maafiyada Jimcihii, iyada oo Carabinieri – booliiska Talyaaniga – ay soo saareen 57 bog ah oo lagu soo xirayo, taasoo faahfaahinaya qaar ka mid ah duruufihii horseeday in walaalkeed la xiro mar hore.

Sawirka warqadda oo lagu qariyay guriga Rosalia Messina Denaro

Warqadda soo xirisita, ayaa daaha ka qaaday in booliisku ay ka heleen warqad gudaha lugta kursi aluminium ah, oo yaalla guriga Rosalia ee ku yaalla magaalada Castelvetrano, ee galbeedka jasiiradda, iyadoo la isku dayay in lagu dhex qariyo qalab dhegeysi gudaha guriga, intii lagu jiray hawlgal dhacay bishii December ee sanadkii hore.

Saraakiisha ayaa sawiro ka qaaday qoraalkan oo markii hore u ekaa erayo, calaamado iyo xarfo isku dhex jira, waxaana ay ku bedeleen qalab halkii laga helay.

Qoraalku dhab ahaantii wuxuu ahaa pizzino – warqad yar oo ku qoran ereyo af garasho ah, oo uu u isticmaali jiray Messina Denaro, si uu ula xiriiro qaraabadiisa, iyo dad kalaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker