Durtaba isaga oo aan Sanad joogin uu 80 milyan Dollar oo lunsaday Hantida qaranka

Hadii aad tawradii milataryga ahayd ee Siyaad AHN u taqaanay Xukuumadii kaligii taliska, Madaxwayne Biixi na ahaa askartii ka aflaxday nidaamkaa, hada isagu kaligii talisnimo wuxuu ku darsaday Kaligii Noolaade.

Durtaba isaga oo aan Sanad joogin waxa lagu soo waramayaa 80 milyan Dollar oo lunsi Hanti qaran ah.

waxa uu Muuse Caan ku yahay aar goosiga kuwa Shaqsiyaadka iyo Dadka ay si uun isu qabtaan ama u kala fikir duwanaadaan, bal u fiirso nin kasta oo Ka tirsanaa Saraakiishii Kulmiye oo ay is qabteen ama kala fikir noqdeen wuxuu geed dheer iyo mid gaaban ba u koray sidii uu ugaga takhalusi lahaa waanu kaga dhabeeyey.

Muuse inta aan ka arkay waa nin aad u dhibsada in hadal lagu soo celiyo ama Isla Xisaabtanka neceb, waxana taas kuu cadaynaysa Muuqaalka golihiisa Wasiirada oo uu u soo xushay Dhalinyaro uu rabo inuu saaxada Siyaasada soo galiyo oo aad ugu dhago nugul iyo Dhawr oday oo uu hore Xiniinyaha uga Saaray.

Tabashadii ka soo bilaabantay Beelaha Darafyada Soomaliland waxay maraysaa Cudunta iyo beestii dhexe ee uu Profisor Maxamed Siciid Gees lagaa Somaliland waxay u ku dhisan tahay Hanka Beesha dhexe.

idiinka Warami maayo oo war buuxa ayaad ka haysaan Xadhiga Cabudhinta iyo Xaalada Xoryad qawlku halkay Dalka marayso balse xaalku waxa uu u eeg yahay in Dad badani walaac ka qabaan in Hashii Maandeeq mar labaad ay u gacan gashay koox Ciil qabayaal ah.

Aragtidayda.

 

Zakariye Jaylaani

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker