Shimbira looga xaal waayey garoon diyaaradeed oo loo sameeyay wax cabsi galiya

Waaxda gaadiidka ee gobolka Alaska ayaa samaynaysa baaritaanno lagu ogaanayo in robot la ek cabirka eyga uu ka celin karo shimbiraha ku soo haajiray garoonka diyaaradaha ee gobolka Mareykanka.

Mashiinka afarta lugood leh waxaa loo habayn doonaa si uu u ekaado mid ka mid ah xawayaanada wax ugaarsada oo ku dhex wareegaya dhabbaha dayuuradaha ee garoonka Fairbanks.

Tijaabadu waxay sidoo kale mari doontaa sida xayawaanka waaweyn sida orsada ay uga falceliyaan roondooyinka robotkan oo saacadla ah.

Sannadkii hore, waxaa garoonka Fairbanks ka dhacay toban weerar oo xayawaanno ay geysteen.

Shilalka noocan oo kale ah waxay halis u yihiin in ay burburiyaan diyaarad ama xitaa in ay keenaan shilal haddii shimbiruhu ay galaan matoorka diyaaradaha duulaya oo shidan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker