Habeenkii Buugga maan hagga musharixiinta

Habeenkii Buugga maan hagga musharixiinta
Xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID iyo shahaadooyinkii la gudoonsiiyay musharixiinta
Qaar ka mida………….
Wuxu aha habeen bilan oo boqran, waxa ahayd xaflad nooceeda aan wali xisbi hore u qaban, waxay ahayd habeen indhaha jamaahiirta xisbyada Jamhuuriyadda Somaliland ay indhahoodu hayeen xisbiga ugu da,da wayn xisbiyada qaranka Somaliland ee UCID. Waxa madasha iftiimiyay hablaha musharixiinta ah ee reer Somaliland kuwii ugu badnaa ee xisbi qaran oo ka diiwaan gashan Somaliland uu soo bandhigo taariikhda doorashooyinka markii u horaysay iyadoo xisbiga UCID uu noqday xisbiga kaliya ee ku dhiirada inuu qaato kuwii ugu badnaa hablaha u tartami doona golayaasha si ay dumarku qayb uga noqdaan horumarinta qaranka Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland.
Waxaa iyaguna meesha sida shamaca uga muuqday  musharixiinta aqoonyahanka ah ee dhalinyarada wiilasha da’da yar iyo sidoo kale musharixiinta ugu culus raga ka tartamaya dhamaan gobalada Somaliland. Waxaa madasha fadhiyay #Mahamed_Dable oo ah ganacsadihii ugu cuslaa uguna dhaqaalaha badna dhamaan musharixiinta Somaliland ka tartamaysa ee golayaasha.
Xisbiga UCID oo ah xisbiga ayka sharaxannyihiin aqoonyahanka ugu badan ee ilaa hada xisbi qudha uu qaato oo noqotay arinta codbixiyeyaasha reer Somaliland ugu hadal haynta badan yihiin (xataal aan afkii kubada) xafladan oo lagu daah furay book ga  maan hagga musharixiinta ka sharaxan xisbiga UCID sidoo kalena shahaadooyin lagu gudoonsiinayay qaybtii ugu horaysay musharixiinta ayaa noqotay mid aad usoo jiidatay indhaha cod bixiyeyaasha reer Somaliland.
Xafladani oo sida ka muuqata tilmaamaysa xadaarada fog iyo talaabooyinka hore usocodka ee xisbiga UCID doorkan uu ku dhaafay xisbiyada tartantanku dhex mari doono dhawaan isla markaana ahayd mid aanu casharo dheeraada iyo dardaaran badan ay isku waydaarsadeen xisbiga UCID iyo musharixiinta aya kusoo dhamaatay farxad wada jir iyo udiyaar garow doorasho oo wanaagsan.
 #Somalilandfirst guul iyo gabanimo ugu danbayn ilaahay waxan ka baryayaa inuu naga dulqaado xanuunanada faafa roobkana Allah swt noo shubo nabad gelyada aan wada ilaashano inagoo ilaahay talasaaranayna.
Allah Mahad leh
Abdiqani Salaf
Borama Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker