Abwaan Abees Oo xaaladda dalka wax ka qoray

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Maxaad kala Socotaa Musuqa Iyo Boobka Qandaraasyadda ee Dalka Somaliland ka Jira?

Dirayska Ciidanka Ilaallada Madaxtooyada Somaliland waxa qandaraska si sharcidarro ah loo siiyay bishii 8-aad, sannadkii 2020, shirkad magaceeda la yidhaahdo “Aims Global Enterprise.” Shirkaddan cidda leh idinka ayaa aan idiin daayay ee sii raadsada. Cid walba ha lahaato, ujeeddadu waa in si eex iyo sharcidarro ah lagu siiyay shirkaddan qandaraaskan, waxaana taasi si toos ah ay uga soo horjeeda dastuurka Somaliland. Dirayskani waxa uu ka koobna, shaadhadh, surwaallo, koofiyado iyo suunan. Lacagtu waxa ay dhammayd $71,855.30 (Kow iyo toddobaatan kun, sideed boqol, shan iyo konton dollar iyo soddoon centi).

Warqadda Guddida Qandaraasyadda Qaranku qortay sida ku cad waxa la yaab leh in sharci darradan iyo boobkan ay og yahiin Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka iyo Xisaabiyaha Guud ee Dawladdu. Waa dal ba’aw yaa ku leh. Meel Allaale meel lagu shaaciyay iyo shirkaddo u tartamay ma jiraan. Dad aan waxooda dabageli karin xaqoodana aan doonan karin ayaynu nahay, ka isku dayana mid bakhtiyaya oo wixii sii la cunaayo ayaa dadkaba uga soo horraynaaya.

Si walba oo aad caddayn u soo hor dhigto
kuwo badan oo aan iyagu kala jeclayn ama ba raali ka ah hantida qaranka ee kolba kii jooga uu cidda uu doono ku naasnuujinaayo ayaa la soo booda iyaga oo dadka kale ka baqadsiinaya kana shakisiinaya, “Haddaad caddayn weydo wallaahi xadhig baa aad tahay,” ama “Sharafta madaxda ha ku ciyaarin.”
Haddii xataa caddayn buuxda la hor keeno waxa ay abuuraan dood kale, tusaaleahaan, “Maxaa lagu garanayaa in ay sax tahay caddayn tani”. Waa yaab caddayn caddayn lagu sii caddeeyo loo baahan yahay.

Sharafta qofka isaga oo masuul ummadeed ah, ee sharcigii iyo dastuurkii dalka inta uu dhinac maray, ee xoolaha masaakiinta, agoonta iyo inta jilicdasan ku tagrifalay uu leeyahay baa aan garan waayay. Qofka masuulka ah ee lagu eedaynaayo gef uu sharciga iyo qaranka ka galay, isaga looga baahan yahay oo laga doonayaa caddaymaha uu isku difaacaye dulmane adigu dib u bax, ha difaacin ka dulmiga wada.

“Dhibanahan is dabar jaray
Kala duday bal sababee?” Doonyo-qaad.

Walaalayaal marka aan ogahay ee aan arkaayo wixii yara ee aynu wada lahayn sida tan iminka aan idin hor keenay loo musuqay, cadowga kale ee ka tan sameeyay ii sheegaya waa kuwee, hadday jiraana maxaa aynnu isku soo gaadhayna?

Qaranka waan jacelahay waxa aanan ku difaacaya run iyo xaqa oo kor mara, qof xil loo dhiibay oo dantiisa u isticmaalaya ma aha qarankii, ee waa dulmiwadde u baahan in ummadda laga qabto. Suudhadh waaweyn oo caalamka lala meeraysto, oo sawirro lagu soo galo intan oo ayna saxna ka muhiimsan. Afxumo iyo adeeg xumo ha iskugu kaaya darina, inta aad ii hayso ii ilaali, danta iyo mida maqan si aan kuula raadiyo, haddii kale labadaba been baa aad ka sheegaysa.

“Inuu dayn ka maqan yahay
Nimaan kaba dareen qabin
Ayaan doono lagu karin.” AHUN Abwaan Gaarriye

Sidii roon Allahayoow.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker