Xarun nukliyeer oo ku taalla Ukraine oo xaalad halis ah wajahaysa

Warshad tamarta Nukliyeerka ku shaqeysa, oo ku taalla Zaporizhzhia, ayaa wajahaysa xaalad halis ah, sida uu sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka.

Ciidamada Ruushka, ayaa qabsaday warshadan bishii March ee sanadkii hore, waxaana marar badan haleeley madaafiic iyo rasaas, taasoo keentay in ay sare u kacdo cabsida laga qabo musiibo ka dhalata xaruntan ku shaqeysa nukliyeerka.

Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA), Rafael Grossi, ayaa isku dayay inuu wada hadal kala galo Ruushka, in goobta ay xarunta ku taallo laga dhigo aag nabdoon, laakiin waxa uu BBC u sheegay in khatarta ay weli taagan tahay.

“Waxaan ku jirnaa khatar aad u weyn,” ayuu yiri Grossi.

“Waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo hore loo qaaday xal gaarista, sababtoo ah waxay noqon doontaa go’aan siyaasadeed oo heer sare ah, in aan la weerarin warshadda, oo ah mid aad u muhiim ah oo aan loo isticmaalin warshadda goob ciidan.”

Grossi ayaa dhawaan ku dhawaaqay qorshe la xiriira dhammaan xarumaha Nukliyeerka ee dalka Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker