Sharmaarke Dhuubow Oo Sannad kahor Qaatay Dhalasho Oo Meel Sare Ka Gaadhay Siyaasadda Canada

Sharmaarke Dhuubow waa qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horeeyay ee ka mid noqday 9 ka qof ee maamula magaalada Victoria ee gobolka British Columbia ee dalka Canada, inkastoo soomaalida ku nool magaaladan lagu qiyaasaa ku dhawaad 20 qoys.

 

Wiilkan wuxuu noqonayaa ninkii ugu horreeyay ee madow ah kaas oo noqda xubin ka tirsan golaha dawlada hoose ee magaalada Victoria muddo laga joogo 152 sanno ah taariikhda magaaladaas.

 

 

Waa kuma Sharmaarke Dhuubow ?

Sharmaake wuxuu sannadkii 1991-kii doon kaga soo cararay dagaalladii sokeeye, wuxuu ka mid noqday qaxootigii xerada Otanga ee ku taallay Mombasa ee dalka Kenya.

 

”Markii la xidhay xerada Otanga sannadkii 1996 waxaan u wareegay dalka Itoobiya oo aan ku qaatay waxbarshadii heerka dhexe,sannadkii 200-dii, waxaan u wareegay dalka Masar oo aan ku dhamaystay Jaamacad, kacdoonkii Masar ayaan ka cararay dalkaas, waxaan tagay Canada sannadkii 2012-kii” sidaas  yiri  Sharmaarke Dhuubow.

 

Ma fududo waddan aad ku cusub tahay adiga oo muddo sannad ah haysta dhalashada waddankaas in aad ku fikirto ka qayb qaadashada doorashooyinka , wuxuuna BBC-da uga warramay qaabka uu u galay doorashada.

 

”Waxaan sharciga muwaadinimada Canada qaatay 1 Luulyo oo ku began maalinta xornimada labada dal ee Soomaaliya iyo Canada, waxaan ahaa qof si fiican u dhex galay bulshada reer Canada, waxaan 2018-kii ka qayb galay doorashada dawladda hoose ee degmada Victoria, waan ku guulaystay oo waa ay ii suurta gashay, inkastoy ahayd markii u horeysay ee aan doorsho galo. Waxan go’aansaday in aan buslahada aan u imid horumarkooda ka shaqeeyo sababta oo ah waxaan waddankan la imid aqoon aan hore u soo bartay, waxay ahayd doorasho adag waxaan helay 11 kun oo cod, waan dadaalay saddex bilood ayaan albaabada garaacayay”. Ayuu yiri.

 

Sharrmaake waxayaabihii uu doorashada ku galay in uu qabanayo intii badnayd wuxu sheegay inay u suurto gashay, waxaana ka mid ahaa.

Wax ka qabadka miciisahada oo kor u kacsanayd, guryaha qiimaha lagu kirasyto oo qaali noqotay iyo in uu horumariyo bilicda caasimadda Victoria.

 

Sharmaarke wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada soomaaliyeed ee la soo galay aqoonta waddanka Canada muddadii uu joogay, wuxuu ahaa xubin fir-fircoon oo ka qayb qaata adeegyada bulshada si iskaa wax u qabso ah iyo caawinta dadka dhibaatada la kulmo oo ay soomaalidu qayb ka yihiin.

.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker