Urur Gobaleedka IGAD Oo Fariin U Dirtay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland.

Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Maxamed Deni, oo Shalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Garoowe.

Dr, Guuyo, ayaa sidoo kale ammaanay doorkii ay ka qaateen, Dowladda federaalka, maamulka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada.

Ergeyga ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo si gaar ah u ammaanay aqbalaaddii iyo sidii uu xilka ku wareejiyay, C/wali Maxamed Cali Gaas.

Dr, Guuyo, ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker